[SAWIRO]Xaalad Abaareed aad u adag oo ka taagan miyiga degmada Bandar-Bayla.

Date:

MUQDISHO-24-7-2022-:Miyiga degmada Bandar-bayla ee Gobolka Bari iyo deegaanaada hoos yimaada waxaa laga soo sheegayaa in abaarta ka jirta ay isu bedeli rabto macaluul, ka dib markii ay tiro badan oo dad ah ay ka le’edeen dhamaan xoolihii ay haysteen, kuwaas oo horseeday in ay u barakacaan oo ku xeroodaan tuulooyinka.

Tiro qoysas ah oo soo barakacay ayaa warbaahinta u sheegay in biyo la’aanta iyo dhulka ay deganayeen oo cidlo ah ay naftooda uga cabsadeen in ay gaajo iyo haraad u dhinteen, maadaama xoolihi dabar go’een, sidaas daraadeedna ay tuulooyinka ku soo xaroodeen si ay naftooda u badbaadiyaan.

Waxay sidoo kale tilmaameen in ay ka welwel qabaan dad miyiga fog uga yimaadeen kuwaas oo aan awoodin in ay soo guuraan, oo magaalooyinka usoo dhawaadaan.

Gudoomiyaha degmada Bandar-Bayla Cabdirashiid Daacad iyo wafti uu hogaaminayo oo ka jawaabaya cabashada bulshada ayaa kormeer shaqo iyo u kuur-galid xaalada abaaraha iyo saamayntooda ku taggay Deegaanda kala ah Qoton, Sarmaan, Maygaag, Dharin-Baar iyo Bixin iyo miyiga hoos yimaada oo abaartu si adag u saamaysay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...