Madaxweyne Dani oo u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade)

Date:

MUQDISHO-23-7-2022-:Madaxweynaha Maamul Goboleedka  Puntland Mudane  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug dhanka puntland .

 

Wareegto maanta ka soo baxday ka xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade) loogu magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Faysal waxaa horey xilkan u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Karaash, hase ahaatee khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ayaa sababtay in ay shaqayn waydo magacaabistaasi.

Jifo Jabsade wuxuu beddelayaa Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka mid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...