Madaxweyne Dani oo u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade)

Date:

MUQDISHO-23-7-2022-:Madaxweynaha Maamul Goboleedka  Puntland Mudane  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug dhanka puntland .

 

Wareegto maanta ka soo baxday ka xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade) loogu magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Faysal waxaa horey xilkan u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Karaash, hase ahaatee khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ayaa sababtay in ay shaqayn waydo magacaabistaasi.

Jifo Jabsade wuxuu beddelayaa Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka mid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...