Hay’adda Cunnada Adduunka WFP oo sheegtay in inta badan Bulshada Somaaliyeed ay Gaajo la ildaranyihiin

Date:

Muqdisho-19-7-2022:Waddamada Geeska Afrika waxaa ku dhufatay abaarta ugu xumeyd oo muddo 40 sana ah soo marta.

 

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP waxay sheegtay in 20 malyan oo qof oo ku nool waddamada Somaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay dhammaadka sanadkan macluul halis ugu jiraan.Halka dhibka baaxaddiisuna uu ka jiro dalka Soomaaliya.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya dhibaatada abaarta ee ka taagan dalka Soomaaliya iney tahay tii ugu xumeyd muddo 40 sana ah.

Dadki ku noolaa tuulooyin dhan aya guryahooda ka qaxay iyaga oo raadinaya biyo, cunto iyo dawo.

Hay’aduhu waxaa kale oo ay sheegeen carruur badan iney nafaqa darro u dhinteen, halka ay qaarkoodna la soo darseen dhibaatooyin maskaxeed.

Beerihii ayaana wax dalag ah kasoo go’in, waxaan waddooyinka daadsan bakhtiga xoolaha ay abaarta laaysay.

Waxaa ku jiraa kumanaan carruur ah oo aysan cidna wehlin oo ku sugan xeryaha barakacayaasha., waxaana carruurta daryeelayaa walaalahood ka weyn maadama waalidiintooda ay biyo iyo baad u raadsadeen magaalooyinka halka hooyooyin badan ay la daalaa dhacayaan heerka nafaqa darrada oo sare u kacay kaas oo saameeyay carruurta.

Haatan dhimasho ayaa lasoo sheegayaa, mid kamid ah xeryaha barakacayaasha , waxaa ku dhintay ugu yaraan 26 carruur ah intii u dhexeysay bilihii May iyo June, sida ay sheegayaan warbixinada laga helayo halkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...