Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo gacanta ku dhigay Nin Maalmo ka hor Cabudwaaq ku dilay Taliye ku xigenkii Nabad Sugida Galmudug iyo Gabar la dhalatay

Date:

Muqdisho-19-7-2022;Ciidamada Xoogga Dalka Somaaliya ,kuwa Nabad Sugida ,Booliska Cabudwaaq  oo gacan ka helaya  kuwa daraawishta Galmudug ayaa maanta Taliska Booliska Dagmada Caabudwaaq kusoo bandhigay Nin lagu Magacaabo Axmed Dhagadheere oo labo Maalin kahor Gudaha Dagamada Caabudwaaq kudilay Allaha u naxaristee taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walashiis Xaawo Cumar Geelle.

 

Ninkaan oo ah Askari katirsan Ciidanka Millateriga ayaa howlgal xalay laga sameeyay duleedka degmada Cabudwaaq lagu soo qabtay kadib markii labadii maalin ee u danbeysay ciidamada kordhiyeen howlgalada ay ka sameenayaan duleedka cabudwaaq iyo xadka soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Ciidamada ayaa Askarigaan baadi goobayay labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana loogu sheegay in uu u baxsaday dhinaca Gobolka Mudug, hayeeshee ay ka qabteen degaanka Ceel-gargaar ee duleedka bari ee degmada Caabudwaaq.

sawirro

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...