Ciidamada Israa’iil oo duqeeymo ka geeystay marinka Gaza

Date:

MUQDISHO-16-7-2022-Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeymo ka geeystay  subaxnimadii hore ee saakay qeybo kamid ah maga marinka Qaza, kadib markii ay shegeen inay ogaadeen in goobaha ay duqeyeen laga soo tuuray labo Gantaal.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen goob ku yaallo Qaza, oo ay ku sugnaayeen dhaq dhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas.

 

Goob joogayaal ku sugan Qaza ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo waaweyn oo ka dhacay qeybo kamid ah magaalada, kuwaasi oo aan la la sheegin waxyeelada ay geysteen.

 

Geesta kale, afhayeen u hadlay dhaqdhaqaaqa  wax iska caabbinta Xamaas ayaa sheegay in duqaynta ciidanka Yahuudda ay ka geeysteen marinka Gaza uu ka mid yahay dambiyada argagixisanimo ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...