[AKHRISO]Puntland oo guddi Baaris ah umagacaawday Maxaabiistii Argagixisada Al-shabaab kuwas oo ka baxsaday saldhig ku yaal Magaalada Gaalkacyo

Date:

Muqdisho-16-7-2022-:Ku simaha Guddoomiyaha ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Gobolka Mudug dhanka maamulka puntland  Xasan Cabdulaahi Warsame ayaa Guddi Baaris ah umagacaabay dhacdadii dhawaan ka dhacday Saldhiga Cirka oo ay ku xirnaayeen qaar kamida Maxaabiista Argagixisada Al-shabaab kuwas oo ka baxsaday halkaas.

 

 

Maxaabiista baxsatay ayaa gaarayey ilaa tudaba maxbuus kuwaas oo afar  kamid ah gacanta lagu dhigay halka sadax kale wali aan la qaban.

 

 Xubnaha la magacaaby ayaa kala ah

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka mudug dhanka puntland Maxamed Hassan waloore,Maxamuud abdi Nuur duqa gaalkacyo,taliyaha xabsiga dhexe ee gobolka mudug,xeerilaaliyaha gobolka mudug,Ku xigeenka C.I.D gobolka mudug iyo Taliyaha Nabad sugida Gobolka mudug dhanka puntland.

 

Warqadaan waxaa lagu faray Taliyaha Booliska gobolka mudug iyo taliyaha saldhiga cirka oo ay maxaabista ka baxsadeen ayaa la faray inay guddigaan baarista u fududeeyaan .

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...