Madaxweynaha Hiirshabelle oo laamaha amniga maamulkaas faray adkeynta Amniga Caasimada Jowhar

Date:

Muqdisho : 04, Luulyo, 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Xukuumada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha.

Shirka ayaa looga hadlay howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo sidii loo adkeyn lahaa amaanka Caasimada.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa diirada lagu saaray abaaraha iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanada Dowladda Hirshabeelle iyadoo dhulka miyiga ah ay kasoo barakaceen dadkii ku noolaa kadib markii ay waayeen wax ay cunaan xoolihii ay dhaqanayeena ay abaartu ka baabi’isay.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay dhibaatada xoogan kasoo gaartay abaaraha waxa uuna faray Wasaaradda Gargaarka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha inay hay’addaha ku adkeeyaan sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka ay dhibaataysay abaarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...