Dowladda Soomaaliya oo deeq loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha gaarsiisay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Muqdisho,04,7,2022:Deeqdaan oo ay ka Soctay Dowlad fadaraalka soomaaliya isla markaana qeyb ka ah gurmadyada lagu caawinayo dadka ay Abaaruhu ku saameeyeen gobolada dalka ayaa Maanta la gaarsiiyay Magaalada Gaallkacyo.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka Galmudug Faadumo cabdi faandhe oo iyadu deeqdaan waday ayaa ku wareejisay maamulka Degmada Gaalkacyo si loo gaarsiiyo qoysaska abaaruhu ku saameeyeen deegaanada fog ee Waqooyi bari ee gobalka mudug.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo cabdiraxmaan sheikh Hassan oo la wareegay deeqda ayaa sheegay in ay gaarsiin doonaan dadka loogu talagalay isagoo dhanka kalana u mahadceliyey dowlada Fedaraalka soomaaliya iyo wasaarada Gargaarka XFS.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug Faduma ayaa sheegtay in gargaarka uu noqon doono mid socanaya ilaa la gaarsiiyo dhamaan deegaanada  ay ku dhibaateysan yihiin bulshada gobalka mudug oo abaaruhu sameen ku yesheen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan...