Dowladda Soomaaliya oo deeq loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha gaarsiisay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Muqdisho,04,7,2022:Deeqdaan oo ay ka Soctay Dowlad fadaraalka soomaaliya isla markaana qeyb ka ah gurmadyada lagu caawinayo dadka ay Abaaruhu ku saameeyeen gobolada dalka ayaa Maanta la gaarsiiyay Magaalada Gaallkacyo.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka Galmudug Faadumo cabdi faandhe oo iyadu deeqdaan waday ayaa ku wareejisay maamulka Degmada Gaalkacyo si loo gaarsiiyo qoysaska abaaruhu ku saameeyeen deegaanada fog ee Waqooyi bari ee gobalka mudug.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo cabdiraxmaan sheikh Hassan oo la wareegay deeqda ayaa sheegay in ay gaarsiin doonaan dadka loogu talagalay isagoo dhanka kalana u mahadceliyey dowlada Fedaraalka soomaaliya iyo wasaarada Gargaarka XFS.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug Faduma ayaa sheegtay in gargaarka uu noqon doono mid socanaya ilaa la gaarsiiyo dhamaan deegaanada  ay ku dhibaateysan yihiin bulshada gobalka mudug oo abaaruhu sameen ku yesheen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...