MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MARXUUMAD KHADRA DAAHIR CIGE

Date:

Muqdisho, Luulyo 3, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee marxuumad Khadra Daahir Cige.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumadda ay kaalin weyn uga jirtay fanka Soomaaliyeed, iyada oo doorweyn ka qaadatay sare u qaadida fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo ay ka aheyd tiirarkiisa.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu Alle u weydiiyey marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...