MUQDISHO,7-2-2022,Shil Sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Burco ee Gobolka Toogdheer .Inta la xaqiijiyey shilkaan waxaa ku geeriyooday Hal Qof halka dhaawaca uu gaarayo ilaa shan qof oo kale.
Shilkaan ayaa ka danbeeyey kadib markii ay isku dhaceen Gaari nuuca Raaxada ah iyo Mooto Bajaaj.
Agaasimaha guud ee isbitaalka Burco Dr Mohamed Abdi Faarax iyo iskuduwaha wasaarada cafimaadka Somaliland ee Magaaladaas Dr Mohamed Yuusuf Jaamaac ayaa kawarbixiyey shilkaan.
Ayaamihii danbe waxaa soo kordhayey Shilalka ka dhaca deegaanada maamulka Somaliland kuwaas oo waxyeelo badan Geysta.