RW Xamse oo ka qeybgalay munaasabad ay soo qaban qaabiyeen Aqoonyahano wax ku soo bartay Malaysia.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaMudane Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen aqoonyahanno wax ku soo bartay dalka Malaysia oo ay ku jiraan mudaneyaal ka tirsan BFS, taas oo lagu soo dhaweynayay magacaabistii iyo kalsooni siintii Baarlamaanka ee Ra’iisul Wasaaraha.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ka soo baxay Jaamacadaha ku yaal dalka Malaysia. Ujeedka munaasabada ayaa ahaa soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo kamid ah aqoonyahanadda wax ku soo bartay dalka Malaysia.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabada ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in Shacabkeennu gaajo iyo harraad u dhintaan iyadoo ay biyaha webiyadu u muuqdaan, dalka intiisa badanna la isugu safro diyaarado sababo ammaan dartood, taas oo dowladda iyo shacabkaba uga baahan isbaddel dhab ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...