Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku Casumay Munaasabad Lagu Daah-furayey Mashruuca Dhir Beerista Geeska Africa +”SAWIRO”.

Date:

Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia Dr Abiy Ahmed ayaa si rasmi ah ugu casumay safaaradda JFS ee Addis Ababa munaasabad lagu daah-furayey ama lagu soo bandhigayey mashruuca Dhir Beerista dalalka Geeska Africa, oo sidoo kalena lagu casumay diplomaasiyiinta safaaradaha caalamka ee degan caasimadda Addis Ababa, mashruucaas oo socon doona muddo 4sano ah oo ka bilaabanaya sanadkan 2022, kuna ekaan doona 2026.

Munaasabaddan waxaa Safaaradda JFS ee Addis Ababa uga qayb galay qunsulka ahna ku simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia Mudane Cali Maxamed Xuseen “Cali Atam”, isagoo bandhigaas ku metelayay Dawladda Soomaaliya.

Ambasaador Cali Atam ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay faa’iidooyinka laga dhaxli karo mashruucan, isagoo hoosta ka xariiqay in barnaamijkan uu fududayn doono beeritaanka 6 Bilyan oo geed, sidoo kale wuxuu caddeeyey in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay mashruucan oo kale qaadato si aan uga hortagno dhibaatooyinka ka dhasha cimilada, deegaanka iyo dhirta.

Mashruucan ayaa la qorsheeyey inuu gaaro dalalka Geeska Africa, si looga hor tago dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, waxaa dhab ah haddii si rasmi ah loo hirgeliyo mashruucan inuu noqon karo mid wax weyn ka tara bed-qabka deegaanka iyo ka hortagga khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...