Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku Casumay Munaasabad Lagu Daah-furayey Mashruuca Dhir Beerista Geeska Africa +”SAWIRO”.

Date:

Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia Dr Abiy Ahmed ayaa si rasmi ah ugu casumay safaaradda JFS ee Addis Ababa munaasabad lagu daah-furayey ama lagu soo bandhigayey mashruuca Dhir Beerista dalalka Geeska Africa, oo sidoo kalena lagu casumay diplomaasiyiinta safaaradaha caalamka ee degan caasimadda Addis Ababa, mashruucaas oo socon doona muddo 4sano ah oo ka bilaabanaya sanadkan 2022, kuna ekaan doona 2026.

Munaasabaddan waxaa Safaaradda JFS ee Addis Ababa uga qayb galay qunsulka ahna ku simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia Mudane Cali Maxamed Xuseen “Cali Atam”, isagoo bandhigaas ku metelayay Dawladda Soomaaliya.

Ambasaador Cali Atam ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay faa’iidooyinka laga dhaxli karo mashruucan, isagoo hoosta ka xariiqay in barnaamijkan uu fududayn doono beeritaanka 6 Bilyan oo geed, sidoo kale wuxuu caddeeyey in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay mashruucan oo kale qaadato si aan uga hortagno dhibaatooyinka ka dhasha cimilada, deegaanka iyo dhirta.

Mashruucan ayaa la qorsheeyey inuu gaaro dalalka Geeska Africa, si looga hor tago dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, waxaa dhab ah haddii si rasmi ah loo hirgeliyo mashruucan inuu noqon karo mid wax weyn ka tara bed-qabka deegaanka iyo ka hortagga khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...