SAWIR HORE.
MUQDISHO-18-6-2022-:Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada XFS ayaa lagu waddaa in uu maanta Guud ahaan dalka ka bilowdo marka laga reebo deegaanada maamul goboledyda Somaliland iyo Puntland.
Qeybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah.
Xarumaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka.
Imtixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.