Madaxweynaha Koonfur galbeed oo Maamul cusub u Magacaabay Gobolada Baay iyo Bakool.

Date:

Muqdisho-Juun-8-6-2022:Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maamulo cusub u Kala magacaabay Goboladda Baay iyo Bakool ee DGKGS.

Madaxweyne Lafti gareen ayaa Guddoomiyaha gobolka Baay u magacaabay Mudane Abdifitaax Mohamed Ibrahim.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Bakool  Shiine Macalin Nuurow iyo ku Xigeenkiisa dhanka Amniga iyo Siyaasada isaga oo magacaabay maamul Cusub.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool ayaa loo Magacaabay Mudane Mohamed Abdi Mohamed Tall ,halka ku xigeenkiisa Amniga loo magacaabay Abdullahi Mohamed Nuur.

Waxaa ka warbixiyey  Magacaabistaan Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda DGKGS Mudane Mohamed Ali Ibrahim.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...