Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo maanta la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya Tiina Intelmann.

Date:

Muqdisho June 07, 2022- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya Tiina Intelmann.

Marwo Tiina, oo ay shirka ku wehliyeen waaxaha gargaarka bini’aadminada iyo horumarinta ayaa ka warbixisay howlaha kala duwan ee midowga Yurub ka gacansiiyo dowladda Soomaaliya.

Danjire Tiina Intelmann, oo ku dheeraatay sida midowga Yurub ugu heellanyahay garabsiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqaalo ka badan 250 milyan oo sanadle ah ku bixiyaan taageerada kala duwan ee Soomaaliya iyadoo sidoo kalana tilmantay baahida loo qabo muuqashada dowrka hoggaamineed ee Dowladda Soomaaliyeed looga baahanyahay marka laga hadlaayo jiheynta, fududeynta iyo guud ahaan kala shaqeynta midowga yurub iyo heyadaha kaleba howlaha dib u dhiska iyo gargaarka.

Ergeyga oo horreyn uga mahad celiyay Midowga sida ay mar walba u garab taaganyihiin Soomaaliya ayaa gaar ahaan xusay qayb ka qaadashada abaabulkii shirkii Geneva, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhammeystirka bixinta ballanqaadkaa.

Waxa uu sidoo kale ka warramay sida hoggaanka cusub ee Soomaaliya ay mudnaan ugu leedahay howsha arrimaha bini’aadminimada ayaa tibaaxay in xafiiskiisu dedaal ku bixin doono isu duwista iyo fududeynta howlaha gargaarka.

Gebogabadii waxa ergayga iyo danjirahu ku ballameen in xiriir dheeri ah laga yeesho dardargelinta deeqraadin hor leh iyo sidoo kale xoojinta howlaha gudaha ee la xiriira abaaraha iyo ka hortagga macluusha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya go’aannadeeda siyaasadeed laguma gaari karo dibadda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Soomaaliya oo tacsi u dirtay Dowladda iyo Shacabka Aljeeriya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa...