Guddiga shaqaalaha rayidka oo maanta kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda.

Date:

Muqdisho-Juun-4_6_2022:-Xafiiska Guddi-Hoosaadka Kormeerka, Anshaxa & Abaalmarinta ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Guddi-hoosaadka Mudane Aadan Macalin Maxamed (Aadan Jeeg) ayaa maanta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Haweenka ka daahfuray Barnaamijka Dhaqangelinta Isticmaalka Aaladda suul-saarka ee Xaadarinta Shaqaalaha Rayidka Dowladda kaas oo dhawaan lagu tababaray howl-wadeennada waaxda shaqaalaha ee hay’adaha loo xiray aaladda xaadirinta shaqaalaha.

Barnaamikaan Suul saarka ayaa loogu gol leeyahay in lagu xaqiijiyo shaqo-galka & shaqo ku negaanshaha shaqaalaha ee Hay’adaha Dowladda iyadoo xafiiska kormeerka uu manta si toos ah u bilaabay koormeerkii shaqaalaha ee hay’adaha dowldda laguna tegi doono dhammaan hay’adaha dowladda si loo hubiyo shaqo-galka shaqaalaha.

 

Gudoomiyaha Guddi-hoosaadka kormeerka ayaa shaqaalaha kula dardaarmey in waqtiga shaqa galka la ilaaliyo si qaranka loogu shaqeeyo maadaama buu yiri Qaranka xuquuq joogta ah aan ka qaadano, waxaa nooga la baahanyahay wax soo saar dhab ah.

Ugu dambeyn, Agaasimaayasha Guud ee Wasaaradaha maanta la booqday ayaa ballanqaaday in ay dhaqangelin doonaan barnaamijkaan xaadirinta shaqaalaha waxa ayna shaqaalahooda kula dardaarmeen in ay ilaaliyaan saacadaha shaqada.

 

Sidoo kale, Agaasimayaasha ayaa xusay in shaqaalihii soo xaadiri waayay uu saameyn doono xuquuqaadka ay helaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...