Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Dowladd goboleedka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo ay qayb ka ahayeen Xildhibaano Fadaraal ah,Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Somaliya ayaa maanta Gaaray Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.
Wafdigaan ayaa hordhac u ahaa boqashada Madaxweynaha JFS mudane Hasan Sheikh Ahmed uu ku imanayo Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb.
Wafdigaan waxaa Magalada Dhusamareeb ku so dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug Xildhibano,Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Duqa Caasimada Dhuusamareb iyo qeybaha bulshada Caasimada.