Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo kulan Baydhabo kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed ee culimada, haweenka, dhallinyarada iyo aqoonyahanka, ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, adkaynta dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada, taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ee uu la kulmay ka dhagaystay aragtiyahooda ku saabsan dowlad-dhiska dalkeenna, isaga oo la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee horumarinta bulshada, shaqo abuurka, la dagaallanka argaggixisada, nabadaynta, taabbo-gelinta adeegyada asaasiga ah iyo u gurmashada dadka tabaaleysan.

Dhankooda, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qaabbilaadda uu u fidiyey iyo sida wanaagsan ee uu uga dhageystay aragtiyaha ay la wadaageen, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in ay Madaxweynaha ku garabsiinayaan dadaalka uu ugu jiro horumarinta dowladnimada iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...