DEG-DEG-Kulankii Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaliya oo kooram La’aan u baaqday.

Date:

Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS  ayaa u baaqday Maanta kooram La’aan, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Madoobe uu sheegay in Xildhibaanada badankood ay safaro ku Maqanyihiin sidaasna uu u baaqday   shirkii Golaha maanta la filayey in uu qabsoomo.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xildhibaanada la hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta uusan qabsoomi karin maadaamaa xildhibaanada kulanka soo xaadiray aanu dhameyn tiro ahaan Intii loogu talo galay inuu kulanka ku furmo oo ah 139-mudane.

 

Ajendaha Kulanka Maanta  baaqday ee Xildhibaannada ayaa waxaa looga hadli rabay  Akhrinta Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, iyada oo Xildhibaannada xalay loo diray farriin ah inay kulanka soo xaadiraan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...