Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar

Date:

Maxkamad ku taalla waddanka Masar ayaa Axadii xabsi dheer ku xukuntay musharrixii hore ee madaxweyne Abdel Moneim Aboul Fotouh iyo dhowr qof oo kale oo caan ah oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin ee la mamnuucay, iyadoo lagu soo eedeeyay inay qorsheynayeen inay afgembiyaan dowladda.

Aboul Fotouh, oo ku jira da’da 70-ka, sida laga soo xigtay qoyskiisa ay la ildaran xaalado caafimaad, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah oo racfaan uu ka qaadan karo, sida uu dhigayo go’aanka maxkamadda.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in kumannaan siyaasiyiin, dad u dhaqdhaqaaqa bulshada, iyo saxafiyiin lagu xiray Masar kadib maxkamadeyn caddaalad darro ah ama aan sharci aheyn.

Aboul Fotouh ayaa ka baxay ururka Ikhwaanul Muslimiin sanadkii 2011 kadib markii la isku khilaafay doorka diinta ee siyaasadda wuxuuna aasaasay xisbiga Strong Masar, isagoo bilaabay olole madax-banaan 2012-kii.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa markii dambe ku eedeysay inuu la kulmay madaxda Ikhwaanul Muslimiinka si uu qalalaase u kiciyo, taasoo uu beeniyay.

Waxaa la xiray bishii Febraayo 2018 kadib markii uu bixiyay waraysiyo uu si weyn ugu dhaliilay madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi, bil kahor intaan Sisi dib loo dooran.

Dadka kale ee Axadii la xukumay waxaa ka mid ah Mohamed al-Qassas, ku xigeenkii Aboul Fotouh, oo lagu xukumay 10 sano ah, Mahmoud Ezzat, oo ahaa ku simaha hoggaamiyaha Ikhwaaul Muslimiin oo lagu xiray Qaahira 2020, oo lagu xukumay 15 sano, iyo Ibrahim Mounir, oo isna ka mid ah madaxda dibad-joogga ah ee Ikhwaanul Musliliinka oo xabsi daa’in lagu xukumay.

Reuters.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...