Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska soomaaliya oo maanta xariga ka jaray Dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey Xarunta Ciidanka Ilaalada Wadooyinka.

Date:

Waxaa Maanta Xaflad kooban ay ka dhacday Xarunta Ciidanka Ilaalada Wadooyinka taas oo lagu soo kordhiyay Dhisme cusub oo maanta la daah furay.

 

Munaasabadaan oo aheyd mid xariga looga jarayay Dhismaha xarunta ciidanka ilaalada wadooyinka oo dib u dhis iyo qalabeyn lagu sameeyay ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka amniga gudaha XFS,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka ilaalada wadooyinka gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka socotay wasaaradda gaadiidka .

 

Masuuliyiintii ka qaybgalay Munaasabada ayaa ku amaanay Taliska Ilaalada Wadooyinka shaqada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, waxaana ay sheegeen in furista Xaruntaan ay wax badan ka badali doonto habkii ay u socon jirtay shaqooyinka Bulshada loo hayo.

 

Wasiirka Amniga XFS Abdulaahi Mohamed Nuur ayaa sheegay “ in Caqabadaha jira ay kamid tahay  in Masuuliyiinta Dowlada aysan aad u Ixtiramin Shuruucda Wada marista waxaana ugu baaqay  in ay ilaaliyaan Nidaamka Wadooyinka”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...