Roobka gu’ga oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degaanno kala duwan oo katirsan puntland.

Date:

Roobka gu’ga ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degaanno kala duwan oo ka Kala tirsan Gobollada Mudug, Nugaal, Sool iyo Cayn.

 

Roobabka ugu badan ayaa ka da’ay xalay ilaa saakay Mudug iyo Sool, waxaana sida la sheegayo magaalooyinka roobsaday kamid ah Gaalkacyo iyo Laascaanood.

 

Gobolka Nugaal, waxaa degaannada qaarkood laga soo sheegay Roobab biya dhig ah, balse magaalada Garoowe kama di’in.

 

 

Sidoo kale, Hawdka Gobolka Cayn ilaa Gobolka Doollo ayuu ka da’ay Roobkaan kaas oo la soo wariyey in biyo badan uu dhigay deegaano abaarta sameen ku yeelatay.

 

Robkaan Gu’ga ee ka curtay qeybo badan oo kamid ah deegaanada puntland iyo qeybo kale oo katirsan dalka ayaa yimid iyadoo abaaro baahsan ay ka jirto dalka kuwaas oo dadka iyo duunyada Saameen ku reebtay.

 

 

Shalay ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaanbilsan Arimaha Abaaraha ayaa sheegay in dad gaajo iyo macluul darted ugu geeriyoodeen gobolka Gedo ee koonfurta Soomaliya.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...