MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MARXUUM CABDULLAAHI CABDI GARRUUN IYO MARXUUMAD JAWAAHIR AXMED CILMI.

Date:

uqdisho, May 28, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi oo labaduba soo noqday Sanataro hore oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaank JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in labada Marxuum ay muddo dheer u soo adeegayeen Qaranka Soomaaliyeed. Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe, isaga oo markii danbe door weyn ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi ayaa kaalin mug leh ku lahayd horumarinta bulshada, dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo hirgelinta hannaanka federaalka dalka.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Sanator Jawaahir Axmed Cilmi iyo Sanator Cabdullaahi Cabdi Garruun waa geeri xanuun badan oo taabatay qalbiyada dadka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin mug leh ka soo qaateen horumarinta dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadkeenna.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada Marxuum Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...