Ergayga Gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada iyo gurmadka abaaraha oo sheegay in abaarta dalka ka jirta ay saameysay 6.9 milyan oo Ruux.

Date:

Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada iyo gurmadka abaaraha Mudane  Xildhibaan Abdiraxmaan Abdi Shakuur ayaa soo saaray warbixinta guud ee waxyeellada abaaraha iyo tirada dadka la saadaaliyay inay saameyn ku yeelato Abaaraha dalka jira qeybo badan oo kamid ah.

 

Warbixinta ayaa lagu sheegay in abaartu ay saameysay 6.9 milyan oo qof,  isla markaana ‘lagana cabsi qabo in bilaha soo socda ay gaarto 8 milyan oo u dhiganta 50% tirada guud ee dadka ku nool dalka.”66 degmo ayay warbixintu sheegtay in abaartu ay ‘ba’an’ u saameysay.

 

 

Shalay ayay aheyd markii Ergayga Gaarka ah ee madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu la kulmay guddiga gurmadka abaaraha  iyaga oo u soo bandhigay xogaha la xariira abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen guud ahaaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...