Ciidanka GORGOR oo gobolka shabeelada hoose deegaano kamid ah ku gubay Doomo ay isticmaali jireen Argagixisada Al-Shabaab .

Date:

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee GORGOR, gaar ahaan ururka 7-aad, guutada 18-aad ayaa tuulooyinka Tawakal iyo Balow oo deegaanka Bariire hoostaga ka fuliyay, Howlgal ka dhan ah Nabad-diidka Argagixisada Al-Shabaab oo ay ku baacsanayeen horjoogaha Tuulooyinkaas ugu magacaaban Kooxda Argagixisada.

Ciidanka Xoogga ayaa inta uu howlgalka socday waxaa ay ku guuleysteen inay tuulada Tawakal ku gubeen Doon ay Argagixisada isaga kala gudbi jirtay tuulooyinka Bariire hoostaga sidoo kalana ay ku raran jireen baadda ay shacabka masaakiinta ah ka qaataan.

Waxaa howlgalkaas qorsheysan hogaaminayay Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Sheikh, qeybna uu ka ahaa Gudoomiyaha Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...