Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ergay gaar ah u magacaabay arrimaha abaaraha

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha.
Magacaabidda Ergeyga Gaarka ayaa muujineysa sida uu Madaxweynuhu mudnaan gaar ah u siinayo abaaraha iyo wax ka qabashada waxyeeladeeda oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah iyo kuwa aan aheyn intaba.
Ergeyga Gaarka ah ayaa loo xilsaaray inuu heer qaran, heer gobol iyo calami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha. Ergeyga gaarka ah wuxuu kale oo uu hormuud u noqon doonaa, isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur xilka Ergeyga u magacaabay, iyadoo la eegayo khibradiisa iyo fahamka uu u leeyahay arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada.
Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Ergeyga inuu u Ilaahay u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda uu u igmaday. waxayna magacaabistan ay dhaqangaleysaa isla maanta oo taariikhdu tahay 24 May, 2022.
                            DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...