Gudoomiyaha Cusub ee deegaanks Lafoole ee dhawaan Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Hon Ibrahim Adan Ali – Najah u magacaabay deegaankaas oo hoostaga degmada Afgooye ayaa maanta si rasmi ah xilka u la wareegay.
Gudoomiyaha Degmada Afgooye iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugnaa munaasabada xil-wareejinta,iyadoo Gudoomiyaha cusub ee Lafoole uu ballan qaaday inu si dhaw u la shaqeyn doono bulshada iyo maamulka Afgooye ee deegaanku hoostago.