SAWIRRO:Maamulka Dhuusamareeb iyo bulshada magaaladaas oo deeq xoolo ah gaarsiiyey ciidamada qalabka sida.

Date:

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada reer Dhuusamareeb ayaa deeq xoolo nool ah oo ay ugu talagaleen ciidamada qalabka ee ka qayb galay howlgalkii dhowaan ka dhacay Dhuusamareeb ku wareejiyay Duqa Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo isla goobta ku gudoonsiiiyey Saraakiisha talisyada kala duwan ee ciidamada.

Xoolahan oo ka kooban dhowr iyo toban neef oo geel ah ayaa qayb ka ah sida odayaashu sheegeen dhiirigalinta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa amisom ee kawada qayb galay howlgalkii dhacey 13-kii bishan oo looga hortagay duulaan maleeshiyaad isi soo abaabuley ku doonayeen in ay ku carqaladeeyaan amniga Caasimada.

Dhiirigalintan ayay waxgaradka reer Dhuusamareeb ku micneeyeen in ay tahay abaal marin ka timid bulshada reer Dhuusamareeb oo ay Ciidamada kaga mahad celinayaan howlgalkan, isla markaana ay dhiirigalinayaan firfircoonida ka muuqata howsha ay har iyo habeenba u taagan yihiin ee sugida amaanka.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa deeqdan si rasmi ah u gudoonsiiyey saraakiisha Ciidamada

Col. Bashiir Ciise Taliyaha guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad iyo G/sare qaliif Cabdulahi Maalin Taliyaha Qaybta guud ee Booliiska Galmudug ayaa wakiilnimada dhamaan ciidanka qalabka sida ku gudoomey deeqdan xoolaha ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...