Maxkamada Racfaanka Magaalada Hargaysa oo maanta Xukuno kala duwan ku riday Wariyaal ka howlgalayey Deegaanada Soomaaliland .

Date:

Wariye Cabdimaalik muuse coldoon oo Muddo xirnaa ayaa maanta  Maxkamadda Racfaanka ee Magalaada Hargeysa ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex milyan oo shilinka Somaliland oo ganaax ah.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa hore wax dambi ugu wayday Wariye,Samafale Coldoon balse ugu dambeyn maanta ayeey xukuntay Maxkamadda Racfaanka Hargaysa.

Cabdimaalik Coldoon ayaa dhowr mar waxaa xusid mudan in maxkamadaha Somaliland xukumeen.

Dhinaca kale Maxkamadda Gobalka Maroodi-jeex ayaa maanta Min hal sanno iyo 4 bilood ku xukuntay wariyeyaasha kala ah Mohamed Ilig oo ka howlgalayey TVGA (MMTV)  iyo Cabdijibaar Maxamed oo isna  ka howlgalayey  TVGA (HCTV).

halka ay xorriyadiisii u soo celisay Maxkamada Wariye Cabdiraxmaan Khaliif.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...