Shirarkii u socday dowladda Federaalka iyo Hey’addaha dhaqaalaha Adduunka oo la soo gabagabeeyay.

Date:

Muqdisho, May 21, 2022- Waxaa maanta la soo gabagabeeyay shirar iyo kullamo uu shir guddoominayey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hey’adaha dhaqaalaha Adduunka u socday toddobaadkaan. Shirkii ugu dambeeyay ayaa maanta Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda la yeesheen Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).

Bangiga Horumarinta Afrika, Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha cusub ayaa ka wadahadlay sii wadidda howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Bangiga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhammeystirka howlaha deyn cafinta iyo sidoo kale ay xoojin donaan wadashaqeynta Hey’addaha Maaliyadda ee caalamiga ah.

Waxaa Madaxweynaha oo uu Wasiirka Maaliyadda weheliyo horrey shirar muhiim ah ula qaateen Madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka kuwaasi oo dhammaan si guul ah ku soo dhammaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...