Dowladda mareekanka iyo urururka iskaashiga islaamka oo war ka soo saaray doorashada madaxweyne Hassan Sheikh maxamuud.

Date:

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhowaysay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay Xasan Shiikh Maxamuud.

Bayaan ka soo baxay wasaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay hadda haysato fursad dib u-habayn loogu samayn karo dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha iyo amniga dalka.

“Soomaaliya waxay hadda haysataa fursad ay diiradda ku saari karto dib u habeynta siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee lagama maarmaanka u ah horumarinta danaha dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maraykanka ayaa madaxweynaha cusub iyo dhammaan madaxda Soomaaliyeed ku dhiirri-geliyay in ay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimoquraaddiyada ah.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhammaan madaxda Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimuqraadiga ah.”

Sidoo kale wuxu ku baaqay in horumarin lagu sameeyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay ula dagaallaman Al-shabaab islamarkaana si buuxda amniga dalka uga la wareegaan ciidamada nabad Ilaalinta ATMIS.

Dhinaca kale ururka  iskaashiga islaamka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku soodhaweeyey doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya  Hassan sheikh Maxamuud oo markale loo doortay Jagadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...