Gudoomiyaha Degmadda Guriceel ee maamulka galmudug Faarax Fataate ayaa Warbaahinta Radio Muqdisho u xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsanaa Ahlusunna oo wata Gaadiid dagaal ay xalay isku soo dhiibeen dhankooda.
Gudoomiyaha ayaa xusay in Saraakiisha Ciidamadan hoggaminayay ay kamid yihiin Cabdullahi Cabdi Raage, Abdul Rooble iyo xubno kale kuwaa oo watay 4 tikniko ah iyo Ciidamo gaaraya 60 Askari.
Masuuliyiinta Dowladda waxa ay sheegeen in wadahdal kadib laisku fahmay isa soo dhiibista Ciidamadda iyo Gaadiid dagaal ee ay wateen,taas oo keentay kadib markii kooxdaan lagu jabiyey weerer ay jimcihii ay ku soo qaadeen magaalada dhusamareb ee caasimada galmudug.