MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taallada halgameyaashii SYL kaga qayb galay munaasabad lagu xusayey 79 guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururka Dhallinyaradii SYL, aya taallada halgameyaasha dhigay ubax lagu maamuusayey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xorriyadda, midnimada iyo dowlad-dhiska dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabaddan qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku boorriyey in dhallinyaradu ay wax ka bartaan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL, sidoo kalena uu jiilba, jiilka ka dambeeya dhaxalsiiyo, maamuuskooda, taariikhdooda, halgankooda iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen.
“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dalkeenna iyo kan guud ee ummada Soomaaliyeed. Waxa ay ku sifaysnaayeen, midnimo, dhabar adayg, waddaniyad iyo ka fogaanta qabyaaladda, taas ayaana sabab u noqotay in ay xaqiijiyaan hiigsigii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in ay ka xoroobaan gumaystaha, noqdaanna dal madax bannaan oo karaamo iyo sharaf ku dhex leh dunida”
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada iyo wadajirkooda, oo ah mabaadi’dii saldhigga u ahaa aasaaskii SYL.
Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada SYL waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Agaasimaha Guuud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...