Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Warshad sameysa mishiinka neefta “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray Warshadda Oxygen-ta sameysa oo Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland ay ku soo kordhisay Isbitaalka guud ee magaalada Qardho.

Warshada Oxygen-ta sameysa ee la keenay Isbitaalka Qardho, ayaa wax badan ka tari doonta baahida dhinaca Oxygen-ta xiligan oo uu jiro xanuunka COVID-19, waxaana sidoo kale Dowladda u Qorsheysay inay Warshado oxygen geyso magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale kormeeray qaybta Hooyada iyo dhallaanka ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Qardho, waa xarun u gaar ah in ubadka ku dhasha wax kayar 9-bilood, lagu caawiyo Caafimaad ahaan illaa uu si caadiya ugu korayo.

Ugu danbeyn Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota Isbitaalka iyo dadaalka waxqabad ee Wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna la wadaagay bulshada in Caafimaadku uu ka midyahay adeegyada muhimka ah ee bulshada loo hayo, Dowladuna ay muhiimad gaar ah siinayso in dadku helaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hambalyo Maalinta Xorriyadda Dowladda Mareykanka

Munaasabadda sanad-guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka awgeed, Wasaaradda Arrimaha...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Qarax Argagixiso oo ka dhacay Suuriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....