Howl galkii ka socday Guriceel oo la soo afjaray

Date:

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta goobihii ay maalmahan ka dagaallamayeen maleeshiyaadka Kooxda Ahlu sunna ee degmada Guriceel, kadib dagaal xooggan oo xalay halkaasi ka dhacay.

Malleeshiyaadka Ahlu sunna oo ku sugnaa halka loo yaqaan Jaamacadda ayaa la sheegayaa inay u firxadeen degaanka God-wiil oo dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Guriceel, iyagoo halkaasna kaga cararay laba Gaari oo nooca dagaalka ah.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug, ayaa gaafmeeraya goobihii ay ka carareen maleeshiyaadka Ahlu sunna, waxana saraakiisha halkaasi ku sugan sheegeen inay dhowaan la hadli doonaan saxaafadda si ay faafaahin ugu bixiyaan xaaladda halkaas ka jirta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...