Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun xabsi ah ku riday Matt Bryden

Date:

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun shan sano ah oo xabsi ah ku ridday mid ka mid ah khubarada fallanqeeya siyaasadda iyo amniga ee Geeska Afrika Matt Bryden oo ka mid ah aas-aasayaasha hay’adda cilmi-baarista Sahan Research.

Maxkamadda ayaa ku eedaysay Matt Bryden faafinta sir qaran, oo aan faah-faahin dheeraad ah laga bixin.

Matt Bryden ayaan ku sugneyn Muqdisho, waxaana hay’addiisa inay ka howlgasho Soomaaliya laga mamuuncay bishii December ee 2018-kii.

Dhinaca kalena waxaa xukunkan ka hadlay Sahan Research oo jawaab ay usoo dirtay VOA ku sheegtay inay Sahan Research aad uga xuntahay xukunkan, islamarkaana uu shaki uga jiro kalsoonida lagu qabi karo hannaanka caddaaladda ee la maray iyo tusaalaha ay bixinayso.

Waxay sheegtay Sahan Research inay racfaan ka qaadanayso go’aankan inkastoo aysan caddayn sida racfaankaas u meelmari karo maadaama nidaamka garsoorka Soomaaliya yahay shaqo weli socota oo aan dhammaystirnayn.

Sahan Research waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay cilmi-baaristeeda iyo falanqaynta ay samayso ee ku saabsan dhismaha nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkaba.

Waxay sheegtay in warbixinadooda u furan yihiin dadweynaha, qofkii danaynaya uu qiimayntiisa ku samayn karo, ayada oo intaas ku dartay inaysan u baahnayn inay sharci jebiso si ay xog u hesho, islamarkaana aysan marna sharci jebin.

Sahan Research waxay ku tilmaantay dawcadda ka dhanka ah inay ahayd mid ay saamayn xooggan ay ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay sheegtay inay rajaynayso ayna filayaan in codadka madaxabannaan ee Soomaaliya oo ay ku jiraan hay’adaha cilmi-baarista, warbaahinta, iyo beesha caalamka oo shaqadooda taageera ay xukunkan u arki doonaan inuu calaamad u yahay inay dawladda Soomaaliya ku siqayso keli-telisnimo, ayna aad uga shaqayn doonaan sidii loo ilaalin lahaa dimqoraadiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...