Afganistaan:Gabdhaha oo loo ogolaaday in ay ku laabtaan dugsiyada sare

Date:

Wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in gabdhaha loo oggolaan doono inay dhowaan dib ugu laabtaan waxbarashada dugsiyada sare ee dalkaasi.

Qari Saciid Khosty oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa Axaddii warbaahinta u sheegay  in sidoo kale la ogolaaday in macalimiinta dumarka ah ay iyaguna ku laaban doonaan shaqooyinkoodii macalinimo ee dhanka waxbarasho.

Afhayeenka ayaa tilmaamay  in waqtiga saxda ah ee la bilaabi doono waxbarashada jaamacadaha,dugsiyada sare iyo kuwa kale ay ku dhawaaqi doonto maamulka wasaaradda waxbarashada.

Sanadkii 1990 –ki ayeey aheyd markii, haweenka iyo gabdhaha si sharci ah looga horjoogsaday waxbarashada iyo in ay shaqeeyaan .

Dhanka kale,waxaa jira cadaadis caalami ah oo la doonayo in Taalibaan lagu saaro ogolaanshaha in macalimiinta dumarka ah iyo gabdhaha ay ku laabtaan dugsiyada iyo shaqooyinka kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...