Tababarka dib u howl-gelinta Maktabadda Qaranka oo Muqdisho ka furmay “SAWIRRO”

Date:

Waxaa maanta ka furmay xafiiska Maktabadda Qaranka Soomaaliyeed tababar ku aaddan hawl-gelinta Maktabadda Qaranka. Tababarka ayaa lagu baran doonaa aqoonta iyo hawlaha lama huraanka u ah dib u hawl-gelinta Makatbadda oo dhawaan la qorshaynayo in dib loo furo.Tababarrada ayaa ka kooban Dajinta Istaraatiijiyo, Samaynta Biblograafiyada, Hannaanka Kaydinta, Lanbaraynta Agabka iyo Buugaagta.

Agaasimaha Tacliinta Sare ee wasaaradda Waxbaraashada oo furay tababarka ayaa tibaaxay baahida loo qabo tababarkan, maadaama furitaankii Maktabadda oo soo dhawyahay, gabagabana marayo dayactiraka dhisamha maktabadda.

“Wasaaraddu waxa ay xoogga saaraysaa hawl-gelinta iyo soo celinta adeegga maktabadda qaranka, si muwaaddiniinta qaybahooda kala duwan u helaan adeeggii akhrinta iyo daalacashada, sidoo kale aradada Soomaaliyeed na helaan xarun ay ka heli karaan buugaag aqooneed oo ka saacidi kara cilmi-baarista “. waxaa yiri agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada mudane Ismaaciil.

Khubarada bixinaysa tababarka ayaa ayagana si guud uga hadlay muhiimadda ay u leeyahiin tababaradaan hawl-wadeennada iyo shaqaalaha Maktabadda Qaranka. Ustaad Cabdirraxiim Shaafici oo ah khabiir dhanka Horumarinta Hay’adaha (Insitutional Development) ayaa sheegay in baahida maktabadda ay u qabto horumarinta kaabayaasha maamul iyo maarayn ay yahiin kuwo aad u wayn.

“Hadduu gabagabo joogo dhismaha, waxaa isha lagu hayaa, waa furitaanka maktbadda iyo inay soo buuxiso kaalintii ay uga jirtay sare u qaadista aqoonta iyo wacyiga bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Ustaad Cabdiraxiin.

Ugu danbayntii Agaasimaha Maamulka Ustaad Cabdullaahi Saciid Faqi ayaa ka war bixiyay dadaalka dheer ay maktabadda ugu jirto inay abuurto dhamaan kaabayaasha loo baahan yahay oo ay ugu horrayso abuuritaan kaadir aqoon iyo karti u leh fulinta hawsha Maktabadda Qaranka.

Tababarka ayaa socon doonaa muddoo lix cisho ah, 16-21 bishan, iyada oo lagu diyaarinayo shaqaalaha Maktabadda sidii ay dusha ugu ridan lahaayeen hawsha ku soo fool leh ee furitaanaka iyo daaddihinta hawlaha Maktbadda Qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...