Masjid ku yaalla Afgaanistaan oo qarax lala beegsaday

Date:

Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay 13 kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo ,kadib markii qarax lala beegsaday masaajid ay leeyihiin Shiicada oo ku yiillay Qandahaar, xilli maanta lagu jiray salaaddi Jimcaha.

Qaraxaan  oo ka dhacay masaajidka ugu weyn ee ay ku cibaadeystaan Shiicada ayaa la sheegay in aysan caddeyn waxa sababay balse waxaa la tuhunsan yahay in uu ahaa qarax ismiidaamin ah.

Ma jiraan cid illaa hadda sheegatay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi.

Dhacdadan ayaa timid toddobaad kadib markii daraasiin qof la dilay in ka badan 100 kalena la dhaawacay markii masaajid ku yaal gobolka waqooyiga ku yaal ee Kunduz lala beegsaday qarax .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...