Wasiirka Ganacsiga XFS oo Khudbad ka jeediyey Shir Caalami ah oo ka dhacay Serbia

Date:

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar iyo wefti uu hoggaaminaayey oo uu ka mid ahaa Madaxa Safaaradda Soomaaliya ee Serbia Ambassador Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa caasimada dalkaasi Beldgrade kaga qeyb-galay shirka iyo xuska sanad guurada 60-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska dhaq-dhaqaaqa dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada kale ee ka jira caalamka.

Dhaq-dhaqaaqan oo la yiraahdo Non Alingned Movement, ayaa ay dawladda Soomaaliya ka mid ahayd aas-aaseyaashii ururkan kaasi oo inta badan loogga hadlo iskaashiga dawladaha ku bahoobay gaar ahaan dhinacyada nabad-galyada, dhaqaalaha iyo jiritaanka dawladaha.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa shirkan oo socday muddo laba cisho ah, waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlaayey muhiimada iskaashiga dawladaha ku bahoobay Ururkan, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ayidsan tahay mabaadiida ururkan isla-mar-ahaantaana ay mar walba danaynayso inay nabad kula noolaato caalamka intiisa kale isaga oo wufuuda shirkan ka soo qeyb-galay u sheegay in waayo-aragnimada ay ka soo dhaxleen burburkii iyo dagaaladdii sokeeye ba ay tahay in wixii khilaafaad ah lagu dhammeeyo wada-hadal iyo hab nabdoon kuwaas oo ka mid ah mabaadiida uu ku dhisan yahay ururkani.

Wasiirka oo intii shirku socday kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ka socotay caalamka, ayaa wuxu sidoo kale uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Serbia Mudane Nikola Selaković oo ay ka wada-hadleen iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo dhiiri-gelinta Maal-gashiga.

Dawladaha Soomaaliya iyo Serbia, ayaa wada leh xariir dheer oo soo jireen ah oo soo bilaabmay horraantii 1950-kii, waxaana xiriidhkan cusub uu dib u furayaa siddii loo soo celin lahaa iskaashigii ka dhaxayn jiray labada dhinac gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Maal-gashiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo booqday Askar ku soo dhaawacantay hawlgalka ka dhanka ah Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Dowladda Soomaaliya oo xirtay 12 Website oo ay Khawaarijta isticmaalayeen 

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo cambaareeyay qaraxii ay khawaarijta ka fuliyeen Baladweyne

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali...

Wasiir Biixi oo la kulmay agaasimaha hay’adda horumarinta caalamiga ah ee UK

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan...