Washington oo Pyongyang  ugu baaqday inay ka fogaato ficil kasta oo keeni karo Xiisad

Date:

Dowladda Mareykan ayaa ugu baaqday Kuuriyada Waqooyi inay ka waantowdo ficillada sii kordhaya ee meesha ka saari karo wadahadalada iyo iskaashiga u dhexeeya labada Kuuriya iyo Mareykanka.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan, bayaan uu soo saaray kadib kulan uu kula qaatay Washington dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Suh Hoon ayuu sheegay in ay wanagsantahay in Pyongyang ay joojiso waxyaabaha sababi karo carqaladeeynta iskaashi ee ay la leedahay Caalamka intiisa kale.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in horumarinta hubka ay lama huraan u tahay si looga hortago siyaasadaha cadaawadda leh ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Khudbad uu ka jeediyay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, bandhiggii horumarinta difaaca  Pyongyang ayaa kordhineysay xiisadda soo cusbonaatay ee keentay in Washington ay ka falceliso.

Sawirro ay baahisay warbaahinta, ayaa muujinaya Kim Jong Un oo ag taagnaa hub kala duwan, oo ay ku jiraan Gantaalaha qaaradaha isaga goosha, sida Hwasong-16.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...