Ku dhawaad 30 ruux oo ku geeriyootay Shil ka dhacay Nepal

Date:

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay in ka badan toban kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii bas rakaab oo aad u buuxay uu ka dhacay waddo ku taalla gobolka buuraleyda ah ee waqooyi galbeed ee Nepal, sida ay saraakiishu sheegeen.

Shilka oo ka dhacay gobolka fog ee Mugu ayaa dhacay yimid ka dib markii uu Banjaray mid ka mid ah taayirrada hore ee Gaariga, sida uu sarkaal ka tirsan degmada Rom Bahadur Mahat u sheegay Wakaaladda Wararka AFP.

Gaariga Baska ee Shilka gala ayaa ka yimid degmada Banke ee koonfurta kuna sii jeeday aagga Mugu waxaana la rumeysan yahay inay saarnaayeen ugu yaraan 45 qof, oo badankood u safrayay si ay ugu dabaaldegaan xuska Hinduuska .

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dhaawacyada u qaaday isbitaallada si loogu daweeyo, iyadoo samatabbixiyeyaashu ay sii wadeen baadi -goobka dadkii ka badbaaday iyo dhibbaneyaashii goobta shilku ka dhacay .

Shilalka gaadiidka ee aadka u dhimashada badan ayaa ku batay dalka Nepal sababo la xiriira waddooyinka oo liita, baabuurta oo si xun loo dayactiray iyo Darawalada qaar oo gaadiidka u wada si xowli ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...