Hayโ€™adda Istaatiitilada Qaranka Soomaaliya oo maanta Daahfurtay Sahanka Qoyska Soomaaliya

Date:

Daahfurkaan oo ay ka soo qeyb galeen Masโ€™uuliyiin ka socotay qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda iyo Maamul Goboleedyada ayaa lagu soo bandhigay hanaanka la doonayo in loo sameeyo Sahanka Dhaqaalaha Qoyska Soomaaliyeed kaas oo socon doono Mudo Afar bilood ah.

Sahankaan oo laga fulinayo Maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu sameyn doonaa in ka badan 7 kun oo qoysas Soomaali ah ayada oo la doonayo in la ogaado qoyska inta uu ku noolyahay dhaqaalaha ahaan si hal beeg guud loogu heloย  celeliska ay ku noolyihiin qoysaska Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Haโ€™yadda Istaatiitilada Qaranka Soomaaliyeed Sharmaake Maxamed Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyay daahfurkaan Maanta la sameeyay โ€ sahanka aan maanta daahfurnay waxuu qaadan doonaa hir galintiisu ilaa mudo Afar Bilood ah ujeedkiisuna waa in la ogaado dhaqaalaha dalka, sicir bararka iyo heerka saboolnimada ay gaarsiisan tahay waxaana laga sameyn doonaa 18-da Gobol ee Soomaaliya in ka badan 7-ba kun oo qoys ayaa lagu sameynayaa sahminta.

Agaasimayaasha Wasaaradaha Qorsheynta ee qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada Dalka ayaa sheegay inay kala shaqeynayaan hayโ€™adda Istaatiitikada Qaranka qaabka loo sameynayo sahankaan.

Bahada hayโ€™adda Istaatiitikada ee baaristaan sameyneysa ayaa sheegay in waqti dheer laga soo shaqeynayay sidii loo bilaabi lahaa sahankaan maanta la daahfurayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...