Munaasabad looga hadlayay Istiraatiijiyada kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Munaasabadaan ayaa waxaa soo agaasimay Guddiga dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayaa diirada lagu saarayay qorsheynta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya 30-ka sano ee Soo aadan, waxaana ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Wasiir ku xigeenno, Agaasimayaal, hay’addo Cilmi baaris iyo qeybaha kaladuwan ee Bulshada.

Inta uu socday daah furkaan ayaa lagu gorfeeyay Muhiimada ay leedahay in la dajiyo qorshaha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya 30-ka sano ee Soo aadan si dalku uu u yeesho hiigsi iyo hormar dhaqaale oo dagsan.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka  Ali Ciise Cabdi ayaa sheegay in kulankaa  looga doodayay sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona dajin lahaa qorshe weyn oo dhaqaale ” sidii loo sameyn lahaa ummaduna u gaari laheyd himolooyinkooda kobcinta dhaqaalaha loona heli lahaa fikar mideysan oo lagu howl gali karo munaasabadahaan oo kale, waxaa looga hadlaa dariiqii la mari lahaa 5-ta sano ama sadexda Sano ee soo socota laakiin tani waa ay ka duwan tahay waxaa laga hadlayaa wadadii hormarka dhaqaalaha loo mari lahaa 30-ka sano ee Soo socota”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in diirada la saarayo sidii ilaha wax soo saarka dalka loo howl gallin lahaa si loo helo koboc dhaqaale ” ahmiyada iyo natiijada uu leeyahay kulankaan waan in diirada la saaro dhinaca wax soo saarka cuntada hadii ay noqon laheyd beeraha, kaluumeysiga ka faa’ideysiga khayraadka Dalka iyo sidii loola fal gali lahaa isbadalka Cimilada waxaana rajeyneynaa in lagu soo daro dowladnimada iyo dib u heshiisiinta”.

Wasiir Wasaaradda  Isgaarsiinta iyo technologyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdi Shiikh Axmed ayaa isna  sharaxay waxyaabihii laga wada hadlay intii shirku socday waxa uuna yiri ” manuusabadaan waxa ay aheyd in la sameeyo istiraatiijiyad fog iyo sidii 30-ka sano ee Soo socota dhaqaalaha Soomaaliya dib loogu soo kicin lahaa wax yaabaha laga hadlayo waxaa ka mid ah sidee uga faa’ideysanaa badaan weyn ee aan leenahay, xoolaha iyo khayraadkeena kale iyo sidii wadanka loogu raadin lahaa dhaqaale iyo maal gallin si aan ula jaan qaadno hormarka Dunida ay sameeneyso”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...