Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Uganda “SAWIRRO”

Date:

Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa kulan la qaatay maanta Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Uganda Mudane Alhaji Abubakar Jeje Odongo, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka arrimaha dibadda Uganda ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xariirara ganacsiga labada dal, socdaalka, tababaro la siiyo diblumaasiyiinta iyo xaaladda Soomaalida ku nool Uganda iyo amniga guud ee ee gobolka geeska Afrika iyo sameynta guddi joogta ah oo wadareed ah oo ka shaqeeya xariirka labada dal (JPC)

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Cagabaruur ayaa Wasiirka kala hadlay in wax laga qabto arrinka socdaalka Soomaalida ee Uganda imaanaya iyo sidii loogu fududeen lahaa dhanka socdaalka oo ugu horreeyo dal ku galka labada dal.

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay xaaladda Soomaalida Uganda ku nool oo ah jaaliyad ballaaran oo ka muuqata gudaha dalkan Uganda loona fududeeyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ayna ugu horeyso daganaashaha shaqada, ardaydnimada iyo IWM.

Wasiirka arrimaha dibadda Uganda Alhaji Abubakar Jeje Odongo ayaa isagana dhankiisa soo dhaweeyay qodobada laga hadlay,isagoo xusay in dhawaan Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda kasoo saari doonto go’aano waxii maanta labada mas’uul ka wada hadleen.

Wasiiir Jeje ayaa balan qaaday in dhawaan u diri doonaan Macalimiin tababar ka bixin doona machadka tababarka Diblumaasiyiinta Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa waday maalmahan kulamo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dalka Uganda, iyadoo kulamaas ujeedadooda ahayd sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...