Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Uganda “SAWIRRO”

Date:

Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa kulan la qaatay maanta Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Uganda Mudane Alhaji Abubakar Jeje Odongo, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka arrimaha dibadda Uganda ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xariirara ganacsiga labada dal, socdaalka, tababaro la siiyo diblumaasiyiinta iyo xaaladda Soomaalida ku nool Uganda iyo amniga guud ee ee gobolka geeska Afrika iyo sameynta guddi joogta ah oo wadareed ah oo ka shaqeeya xariirka labada dal (JPC)

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Cagabaruur ayaa Wasiirka kala hadlay in wax laga qabto arrinka socdaalka Soomaalida ee Uganda imaanaya iyo sidii loogu fududeen lahaa dhanka socdaalka oo ugu horreeyo dal ku galka labada dal.

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay xaaladda Soomaalida Uganda ku nool oo ah jaaliyad ballaaran oo ka muuqata gudaha dalkan Uganda loona fududeeyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ayna ugu horeyso daganaashaha shaqada, ardaydnimada iyo IWM.

Wasiirka arrimaha dibadda Uganda Alhaji Abubakar Jeje Odongo ayaa isagana dhankiisa soo dhaweeyay qodobada laga hadlay,isagoo xusay in dhawaan Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda kasoo saari doonto go’aano waxii maanta labada mas’uul ka wada hadleen.

Wasiiir Jeje ayaa balan qaaday in dhawaan u diri doonaan Macalimiin tababar ka bixin doona machadka tababarka Diblumaasiyiinta Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa waday maalmahan kulamo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dalka Uganda, iyadoo kulamaas ujeedadooda ahayd sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...