Kooxda Daalibaan oo codsatay ka qaybgalka shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Ururka ay soo gaartay warqad ka timid kooxda Daalibaan, oo uu ku saxiixan yahay ninka ay kooxdaas u magacawday wasiirka arrimaha dibadda.

Khan Mottaki, ayaa codsaday  ka qeybgalka kal fadhiga 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si uu ula hadalo hoggaamiyayaasha adduunka ee ka qeyb galaya Shirka.

Ku xigeenka Xog-hayaha Warfaafinta u qaabilsan kooxda Daalibaan, Zabihullah Mujahid, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay aqoonsadaan waxa uu ku sheegay dowladda cusub ee ay dhawaan dhiseen, ayna ula macaamilaan si waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Daalibaan, ayaa sidoo kale magaalada Kabul kula kulmay Danjiraha Dowladda Qatar Saciid Mubaarak Al-Khayariin, waxayna ka wada hadleen arrimo khuseeya mustaqbalka xaaladda Afghanistan.

Ugu danbeeyntii Khan Mottaki ayaa ammaanay dadaalka iyo wada shaqaynta Dooxa, gaar ahaan dib u hawlgelinta Garoonka Diyaaradaha Kabul.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...