MADAXWEYNE DENI OO GUDDOOMIYE IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEEN U MAGACAABAY DEGMADA QARDHO

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 12ka September 2021, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qardho iyo Magacaabid Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Degmada Qardho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka  Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garawsaday: In ay dhamaatay muddo xileedka Golaha Deegaanka Degmada Qardho

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartididooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala direy Golaha Deegaanka Degmada Qardho

2. Waxaa Maxamed Faarax Abdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qardho.

3. Waxaa Maxamuud Maxamed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Qardho.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...