MUDANE CABDISACIID MUUSE CALI OO LA WAREEGAY XILKA AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA QARANKA “SAWIRRO”

Date:

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Ku-xigeenka Agaasimaha Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasime Cabdisaciid Muuse Cali oo horey u ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilka Ku-simaha Agaasimaha Guud.

Dhankiisa, Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay dib u habeynta ballaaran ee uu ku sameeyey hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif oo munaasabadda ka qayb galay ayaa u rajeeyey agaasimaha cusub in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtoyada iyo kobcinta tayada shaqaalaha.

Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Labada Agaasime waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Madaxweynaha, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...