Wafdi ka socday Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Date:

Wafdigan oo isugu jira tababarayaal, garsoorayaal, macalimiin iyo madax ka socota xafiiska hormarinta Gobolada ee xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb oo ay u yimaadeen howlo la xiriira ka qayb galka daah furka tartanka sanadlaha ah ee horyaalka degmooyinka Galmudug, iyagoo mudada ay joogaan qayb ka qaadan doona tababaro la siinayo macalimiinta iyo Garsoorayaasha Galmudug.

Maxamad Nuur Maxamad guddoomiyaha ururka Ciyaaraha Dhuusamareeb oo ugu horeyn ka hadley madasha soo dhaweynta ayaa bogaadiyey kaalinta xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ku yeelanayo hormarinta Sportaska Galmudug.

Xasan Axmed Shirre, Guddoomiyaha Xiriirka kubada Cagta Galmudug oo wafdigan ka socda xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed
u sharaxay qaban qaabada ay sameeyeen kooxaha degmooyinka ee horyaalkan ka qaybgalaya ayaa amaanay go’aanka aqoon kordhinta ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ku gaarey in lagu taageero hormarada cayaaraha ee ka socda Galmudug.

Maxamad Cali Jabane, Kaaliyaha Xoghayaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed oo ugu dambayn ka mahad naqay soo dhaweynta loo sameeyay, ayaa faah faahiyay howlaha ay qaban doonaan muddada ay joogayaan Dhuusamareeb, sida bixinta tababaro is xigxiga iyo furitaanka horyaalka degmooyinka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb oo maanta lagu soo dhaweeyay wafdigan ayaa maalmaha soo aadan martigalin doonta ciyaaro xiiso badan oo dhex maraya degmooyinka Galmudug kuwaa oo noqonaya sanadkii 2-aad ee si rasmi ah loogu qabto horyaal xiiso badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...