Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaaladda Garacad ee gobolka Mudug “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wefti balaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaaladda Garacad ee gobolka Mudug.

Madaxweynuhu waxa uu kormeeray dhismaha Dekedda Garacad oo meel gebogebo ah maraysa, isagoona mid mid u dul istaagay qaybaha kala duwan ee dhismuhu ka socdo. Bogaadin, dardaaran iyo dhiirigelin ayuu u jeediyey Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay shirkadaha gacanta ku haya Dekedda ee kala ah TTN iyo Wadaagsin, warbixino ayuu ka dhegaystay Ingineerada iyo masuuliyiinta shirkadaha dhisaya Dekada, waxaa qayb ka ahaa kulanka weftiga Madaxweynaha, waxgaradka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Garacad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...